Barashada adeegsiga CPR ka Gacmaha Kaliya ayaa badbaadin karta naf. Haddii aad aragto qof dhacay, raac tilmaamahaan:
1. WAC 9-1-1 ama qof kale u dir si uu u waco 9-1-1.
a. Ogoow meesha aad joogto.
b. U sheeg qof inuu kuu keeno AED, haddii la heli karo.
c. Daaro sameecada taleefanka haddii aad tahay kaligaa.
d. Haddii aadan ku hadlin af Ingiriis, u sheeg qofka taleefanka kaa qabta luuqada aad ku hadasho. Taleefanka ku jir oo daaro sameecada.
e. Dhagayso 9-1-1 kadibna raac tilmaamaha ay ku siiyaan, si aad u samayso CPR.
2. Xaqiiji in goobtu amaan tahay.
3. Haddii qofku uusan nuuxsanayn AMA uusan caadi u neefsanayn – garabka ka taabo oo ku qayli, “Ma bad qabtaa. Ma bad qabtaa?” Haddii aan qofku nuuxsan, hadlin, ishaaro bixin, ama uusan wax falcelin ah samayn, markaas qofku waa suuxsan yahay.
4. Gee qofka meel adag, oo siman.
5. Hal gacan ka saar kadibna tan kale dusha ka saar, adoo ka riixaaya bartanka xabadka, inta u dhaxaysa labada feerood.
6. Awoodaada oo dhan iskugu gee xabadka qofka adoo tig-tigaaya gacmahaaga garbahaagana ku aadinaaya xabadka
7. Isku dhaji farahaaga kadibna u adeegso calaacasha gacantaada si aad u riixdo bartanka xabadka
8. HOOS aad ugu riix (ugu yaraan 2 inji) kadibna ka qaad culeeskaaga oo dhan xabadka qofka si xabadku si buuxda KOR ugusoo kaco una tago booskiisii caadiga ahaa
9. SI ADAG oo BOOBSIIS AH u riix (100-120 jeer halkii daqiiqaba)
10. Ha joojin ilaa caawimaad kaasoo gaarto ama qof kale kula moogaalayso haddii aad daasho.

Waxaad badbaadin kartaa naf adoo baranaaya sida CPR ka Gacmaha Kaliya loo sameeyo.


Tags

Seattle Fire Department, Seattle Fire, Seattle Fire Rescue, Seattle Fire Medics


You may also like

Subscribe to our newsletter now!