Badqabka cunto Karinta
Inta badan dabka guryuhu wuxuu ka biloowdaa jikada marka qofku bilaabo cunto karinta ama uu ilaawo cuntadii u saarnayd karshiinka. Waa wax fudud inuu ku mashquuliyo qof, wicitaan taleefan ama aalad elektaroonig ah. Dabka ayaa kici kara sikino gudahood.
Sida la isku badbaadsho:
1. Haka bixin jikada markaad wax ku karinayso saliid ama xayr
2. Markasta isticmaal aalada waqtiga tirisa markaad wax karinayso si ay kuu xasuusiso in shooladu kuu shidan tahay
3. Nadiifi aaga shoolada
4. Dhigo daboolka meel u dhaw shoolada si aad u adeegsato haddii dab kaco
• Marna biyo haku shubin salid ama xayr dab saaran
• Qaabka ugu habboon ee loo damiyo dab ka kacay digsi yar waa inaad dabool saarto digsiga ama birta cuntada lagu shiilo.
• Dami batoonka dabka
• Ha isku dayin inaad qaado digsi gubanaaya.
• Ka qaad daboolka kaliya marka dabku baxo uuna qaboobo.