Inta lagu jiro xiliga kuleelaha ah, dad badan ayaa jecel inay wax ku karsadaan banaanka. Kahor intaadan shidin burjikada sollayga, qaad dhawr talaabo oo muhiim u ah badqabka.

Sida la isku badbaadsho:
1. Burjikooyinka solayga waxaa loo sameeyay in lagu isticmaalo kaliya meel banaan. Marna wax haku solin gudaha guriga ama garaashka – sunta gaaska kaarboonka oo khatar ah, oo aan lahayn midab, iyo ur ayaa hawada u bixi karta kuna dili karta.
2. Dhigo burjikadaada solayga meel banaan ah oo ugu yaraan sadex fiit (90 senti mitir) ka fog dhismayaasha, saqafyada guriga ama balakoonka, caleen qalalan ama buraash.
3. Marna ayadoon cidna waardiyaynayn haka tagin bujikada solayga marka aad cunto ku karinayso.
4. U samee aag banaan oo saddex fiit ah daafaha burjikada solayga halkaas oo aysan carruurta iyo xayawaanka rabaayada ah u dhawaan karin.
5. Burjikooyinka solayga ee ku shaqeeya dhuxusha, fursad u sii dhuxushu inay qaboowdo muddo 48 saacadood ah kahor intaadan daadin. Haddii aadan awoodin inaad sugto, ku dami dhuxusha biyo badan, oo ku walaaq biyaha si aad u hubiso in dabkii ka damay. Marna haku shubin dhuxusha qasacyada caaga ah, xaashi ama alwaax ah; ku shub qasac bir ah oo leh dabool adag.


Tags

Seattle Fire Department, Seattle Fire, Seattle Fire Rescue, Seattle Fire Medics


You may also like

SFD Ladder TRG.wmv

Subscribe to our newsletter now!