Ganbaleelada Sunta Kaarboonka – Waxa aad samaynayso haddii ganbaleelku dhawaaqo

Sunta kaarboonku waa gaas sun ah oo ku dili kara. Ma arki kartid, urin kartid ama ma dhadhamin kartid. Wuxuu si gaar ah khatar ugu yahay ilmaha yaryar iyo dadka duqoowda ah. Sunta kaarboonku wuxuu ka imaan karaa aalad kasta oo shidaal ku shaqaysa oo taala gurigaaga. Tusaalayaasha waxaa kamid ah: agabka ku shaqeeya gaaska, shooladaha xaabada lagu shito, burjikooyinka dhuxusha iyo matoorada awooda badan.
Qaar kamid ah astaamaha sunta kaarboonka waxaa kamid ah madax xanuun, dawakhsanaan, astaamaha sida hargabka iyo lalabo. Haddii aan lagaa daawayn, waad u dhiman kartaa.

Qaababka aad ku badbaadi karto:
1. Ku rakibo ganbaleelka ka diga sunta kaarboonka gurigaaga meel u dhaw qolka jiifka. Ganbaleelada Sunta Kaarboonka waxay kaaga digayaan in sunta kaarboonku guriga ku jirto si aad u dhawrto badqabka qoyskaaga. Sharciga Gobalka Washington ayaa ka doonaaya dhammaan guryaha kirada ah iyo qaybaha kamidka ah dabaqyada in lagu xiro ganbaleelka sheega sunta kaarboonka gudaha guriga. Mulkiilaha guriga ayaa masuul ka ah bixinta ganbaleelka sheega sunta kaarboonka.
2. Marna haku shidin burjikada dhuxusha ama midda gaaska gudaha gurigaaga ama geerashka. Sunta kaarboonku waxay gaari kartaa heerar khatar ah, xataa marka daaqada iyo albaabku furan yihiin.
3. Haddii ganbaleelka sunta kaarboonku uu si aan kala go’ lahayn u dhawaaqo, ka saar qof kasta guriga kadibna wac 9-1-1

La soco ganbaleelka sheega sunta kaarboonka oo waqtigiisii dhammaaday
Haddii ganbaleelkaaga sunta kaarboonku uu dhawaaqo 30 kii ilbiriqsiba mar, maahan xaalad degdeg ah. Waxay ka dhigan tahay in ganbeelkaagu dhacay ayna tahay inaad mid cusub ku badesho.

Ganbaleelada Sunta Kaarboonku waxay kaliya shaqayn karaan ku dhawaad 7 sano. Wixii intaas ka danbeeya, waxay bilaabayaan inay dhawaaqaa 30 kii ilbiriqsiba mar. Tani waa digniin ah inuu waqtigiisii dhacay ganbaleelka wuxuuna kuu sheegayaa in ay tahay inaad ganbaleelka iska badesho. Ha wicin 9-1-1 haddii arintaan kugu dhacdo. Inaad badesho beeytariga ma joojinayso dhawaaqa. Waxaad u baahan tahay inaad badasho ganbaleelka oo dhan.


Tags

Seattle Fire Department, Seattle Fire, Seattle Fire Rescue, Seattle Fire Medics


You may also like

Shaped By Fire (2022 Documentary)
My Way

Subscribe to our newsletter now!